Qoritaanka resume ama CV-ga cajiib ah waa tallaabada koowaad ee helista shaqada riyadaada ah. maadaama tani ay tahay ra’yiga ugu horreeya ee uu kaa qaadanayo loo-shaqeeyayaasha oo keenaysa ama in ay kugu qancaan ama aanay kugu qancin, CV-gu waxa uu u taagan yahay curriculum vitae, oo macneheedu yahay “waaya nololeed,” oo ka tarjumaysa ujeedada dukumeentiga: si loo soo koobo guulahaaga iyo aqoontaada fursad shaqo. Laakiin sidee ayaad noloshaada waxbarasho iyo xirfadeed ugu ururin kartaa hal bog? Waa kan sida loo qoro CV-ga cajiibka ah.
Raac tilmaamahan si aad u qorto ama u yeelato cv aad loola dhaco ?
1- Dooro template wacan oo aad u qurxoon isla markaana indho qabad leh , intaa kadib waa inaad raacda tilmaamaha asaasiga ah ee ay raacdo sida buuxinta dhamaan qodobadan :
- Name and contact details
- Work Experience
- Education/ Languages
- Awards/ Achievements
- Memberships/ Associations/ Extracurricular Activities
2-Ha ilaawin in marka aad qorayso waayahaaga wax barasho inaad ka dhex muujiso sanadka iyo jaamacada aad ku qaadatay , badana dadku keliya waxay qoraan shahaadada ay wataan iyago ka tagaya goobta ay ka qaateen taasina waxay keenta in laga shakiyo ama loo arko in uu qofku qarinayo goobtisii waxbarasho .
3-fadlan u koob sida ugu haboon ee aad u koobi karto cv ga maadama dadka check gareeya cv yadu aanay waqti badan u hayn wada akhrinta cv gaaga , isla markaana cv gaga ka dhig mid si cad u qeexaya meelaha aad isleedahay shirkadan waad ku caawin kartaa oo ama noqon karta inaad ku xusto meelaha u shaqada dhaw ee aad kaso shaqaysay si cv gaagu u noqdo mid wax ku ool ah .
4-ka dhig cv gaaga mid ka waramaya xaqiiqadaada , marnaba ha isku dayin in aad qofkale cv giisa so qaadato kadibna magaca ka badesho , cv gu sidaynu horeba u so sheegnay waa waayo nololeed adiga keliya aya laga wada inad ka waranto waayahagi nololeed oo kooban
Leave a reply