Bitcoin waa nooc ka mid ah lacagta loo yaqaan ‘cryptocurrency’, taas oo ah, lacag dijitaal ah.
Taabasho ahaan ma jirto, mana jiro waddan kaliya oo hagi karaaa. Waa lacag dhijitaal ah oo qiimaheeda si joogto ah isu beddelayo, sida ku dhacda lacagaha kale sida dollar ama euro.
Farqiga ugu weyn ayaa ah in qiimaha ‘cryptocurrencies’ uu aad u kacsan yahay, maaddaama aysan jirin cid xakameynaya, kor iyo hoos ayuu u socdaa marka loo eego sida suuqa u socdo.
Bitcoin waxaa loo isticmaali karaa in lagu iibsado alaab ama qalab maalgashi, in kasta oo aan laga helin waddamada oo dhan.
Sida dhammaan waxyaabaha loo yaqaan ‘cryptocurrencies’, bitcoin waxaa loo isticmaalaa in lagu bixiyo lacag-bixin deg-deg ah lagana fogaado khidmadaha macaamiil ee ganacsiga.
Sidee ayaan u iibsada crypto ?
halka ugu weyn ee bixisa ama laga gato cryptada waxa la yidhaa binance , binance waa goob ganacsi oo aad u balaadhan oo aad awood u yeelan karto inaad dhex mushaaxda coinanka kala duwan ee ku taxan website kooda .
Somalia/somaliland/djibouti iyo dalkii anoo joogo ma iibsan karaa ?
binance waxay awood ku siinaysa inaad samayn karto iibsasho hadii aad dhamaystirto verification aqoonsi xaqiijintaada iyado la isticmaalayo passport ama id card , hadda awood ayad u leedahay inaad gadato crypto dhamaan aduun weynaha weliba sadexda wadan iyo weliba ethiopia ba binance waa ay aqbasha dadka ka socda .
Leave a reply