Waa maxay medium ?
Medium.com asal ahaan ama waxa loo yaqaan waa degel aad ku samaysan karto tab kuu gaar ah oo aad kuso bandhigto maqaaladaada ama hadaynu si kale u dhigno medium wa youtube ka qoraayasha !
Sida Youtube oo kale, haddii aad ku biirto Medium, qor maqaallo cajiib ah oo aad dooratay, markaa waxaad heli kartaa lacag marka xubnaha ka diiwan gashan medium ay akhriyaan maqaaladaada.
Sidoo kale sida Youtube-ka, medium hadda wuxuu isticmaalaa “member reading time per post” oo ah cabbirka waqtiga akhristuhu ku qaatay inuu dhex mushaaxo maqaaladada oo isla marka hadii waqtigasi badan yahay taa macnaheedu yahay in aad faaido badan ku xisaabtimi karto.
Intaa waxaa dheer, waxaad heli kartaa komishan yar oo noocyo ah haddii qof aan xubin ka ahayn uu akhriyo qoraalkaaga oo uu saxiixo bil gudaheed.
sidee ayuu medium u bixiye lacagta qoraal sameyayasha ?
Medium waxay leedahay dhowr lakab oo kala duwan oo ‘xubin’ ah, kuwaas oo aan aad u caddayn isticmaalayaasha cusub. Haddii aadan isticmaale ahayn, waxaad arki kartaa ilaa 3 maqaal bishiiba ka hor inta aanad garaacin gidaarka lacag bixinta oo aad ku qasbanaanayso inad lacag bishii bixiso si aad ugu sii tirsanaato akhristayaasha medium.
markan hadaynu eegno sida qofka maqaalka qorayaa uu isagu lacagta u faaidayaa wa sidan :
1-inuu marka koowaad samaysto medium partner account
2-inuu ku xidho bank informationkisa
3-hadda waxuu bilaabi karaa inu maqaalo so saaro tab kiisa uu ku dhex leeyahy medium
4-ugu danbeyn cid kasta oo akhrida maqaalkaga isla markaana ka tirsan medium premium(dadka lacagta bixiya) waxaad ku heli doonto percentage fiican oo lacag oo aad bil ahaan laguugu xisaabinaya oo ku xidhan kolba inta booqatay ee akhriday maqaaladaada.
sideen u furtaa medium partner account ?
booqo linkigan =https://medium.com/m/signin , isla markaana bilaw inad buuxiso personal information kaga oo saxa kadibna si dhamaystirto diiwangelinta ugu danbeyn , hadda waxad bilaabi karta inad sameyso maqaalo .
Leave a reply