Domainku wa address ka rasmiga ah ee aad ku leedahay barta internetka waxanu ka mid yahay qodobada ugu muhiimsan markaad bilaabayso ganacsi online ama blogging .
Nasiib darro, barashada sida loogu iibsado magac domain ee bloggaaga wali waa mid adag oo aan la fahmi karin.
Waxaa jira daraasiin shabakado kala duwan iyo bixiyeyaasha martigeliye(hosting) kuwaas oo xayaysiiya “diiwaangelinta domain raqiis ah” ama xitaa inaadan u baahnayn inaad iibsato magac domain dheeraad ah ,Kuma kula talinayo inaad hesho “goobaha bilaashka ah” madama sida caqliga bani aadamkuba garan karo ma jiraan wax bilaash ah aduunkan aynu ku nool nahay illa haduu jirina uu wato ajendayaal qoto dheer.
Maqaalka maanta, waxaan anu ku bari doonaa sida loo doorto magac domain ee blog ama website aad bilaabayso.
Waxyaalaha ay tahay inaad ogaato intaanad iibsanin domain.
Kahor intaadan iibsan magaca domain ee degelkaaga, waxaan rabaa inaad sii wado ogaato arimahan…
Ugu horreyntii, magacyada domain waa raqiis in la diiwaangeliyo ($ 8 illaa $ 19 sannadkiiba), laakiin waa nooc muddo dheer ah. Haddii aad iibsato domain, waxay u badan tahay inaad haysato ugu yaraan hal sano ama ka badan.
Hagaag, domain kastaa wuxuu dhacaa sanad gudihiis taas oo macnaheedu yahay inaad u baahan doonto inaad cusboonaysiiso 12 biloodba mar, ama kaliya iska diiwaan geli muddo dheer marka ugu horeysaba.
Hadii marka uu sanadkaasi dhamaado aanad dib u cusboonaysiin shirkadi aad ka gadatay domainku waxay isla markaaba kasaari doonto profile kagi oo kadibna ku celin doontaa domain marketka si cid walbaaba marka u iibsan karto isla domainkagi , ilaa aad ka hortagto in arrintaasi dhacdo oo aad dib u cusboonaysiiso.
Halkee laga iibsadaa domain?
Waa kuwan degelada ugu caansan ee domain laga iibsado :
Sidee ayu dhacaya domain iibsashadu ?
Ugu horeyn waxaad dooranaysa degeladaa mid ka mid isla marka aad doorato , waxaad booqonaysa website kooda kadibna waxa uu mid walbaa leeyahay goob laga eego ama aad ku qori karto domain ka aad doonto aad iibsan rabto ,
sida sawirka ka muuqda waxad box ka banaan ku qoroysa domain kad rabto sida (sombloging.com/.net/.org) kadib hadii uu available yahay oo aanay cidi hore u gadanin hadda wad gadan karta , isla marka aad doorato waxaad u gudbi doontaa qaybta lacag bixinta adoo sidaa ku dhamaystiraya iibsasha domainkaga .
Leave a reply